Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo ayaa weli raadinaysa tobannayeeyo ruux oo la socday Doomo isaga kala gudbayay dhulka harooyinka ah ee dhaca Waqooyi Galbeed ee Dalkaas, ugu yaraan geerida la xaqiijiyay waa 193 qof.
500 oo kamid ah Dadkaas waxa ay la socdeen doon la sheegay in uu dab ka kacay, markii ay Dadku arkeen dabkaas waxa ay qaarkood billaabeen in ay isku tuuraan biyaha taasi waxa ay sababtay in dadka qaar ay dhintaan halka qayb kale ay badbaadeen.
Wasaaradda Arrimaha Bani aadamnimada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo ayaa sheegtay in lasoo badbaadiyay 209 ruux halka ay weli maqan yihiin dad kale oo la socday labada doo nee shilalka dhacay labada maalin ee isku xigay.
Kongo waxa ay kamid tahay dalalka adeegsada harooyinka, biyahaas waxaa isaga kala gudba Doomo ka samaysan alwaax oo qaadkooda la kordhiyay, marka ay dhacaan shilalka waxaa kordha dhimashada iyo dadka la waayo sabab la xiriirta gurmadka oo adag.