Waxaa 3-dii sano ee ugu danbeysay gudaha Muqdisho ku badanayey caruurta la xadayo, taas oo aan si dhab ah loo ogayn ujeedka ka danbeeya.
Booliska Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay soo bandhigay nin lagu eedeeyey inuu cunug yar ka xaday xaafad ka mid ah Muqdisho.
Qoyska cunuga la xaday oo wal wal badan dareemay, ayaa la soo xariiray Booliska, taas oo fududeysay in eedeysanaha gacanta lagu soo dhigo.
Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Ducale Maxamed, ayey Boolisku sheegeen in la horgeyn doona hay’adaha caddaalada dalka, si ay kiiska eediisa go’aan uga gaaraan.
Soo qabashada eedeysanahan, ayaa kaalin weyn ka geysaneysa sidii loo hakin lahaa arrimaha la xiriira xadista caruurta ee ku soo badanaya Muqdisho.