Saturday, September 13

Sida wararku sheegayaan Gobolka Waqooyi bari Kenya, waxaa kordhaya kiisaska la xiriira kufsiga ee loo geysanayo hablaha.

Kiisaska ayaa noqday kuwo maalinba maalinta ka danbeysa isi soo taraya, waxaana badankooda iminka gacanta ku heysa Maxkamadda Gobolka.

Kiisaska horyaalla maxkamadaha ayaa waxaa caqabad weyn ku noqday odayaasha, kuwaas oo doonaya in kiisaska ay ku xaliyaan qaab hoose.

Hooyooyinka gabdhaha dhibanayaasha ah, ayaa cabasho ka muujinaya odayaasha dhaqanka, kuwaas oo mar kasta isku dayaya in ay daboolaan kiisaska, isla markaana lagu xaliyo xeer jab jab-ka Soomaalida.

Arrintan ayaa kordhineysa dhibaatada kufsiga ee lagu hayo gabadhaha, maaddaama ragga falka geysanaya ay aaminsan yihiin in arrinta lagu xalinayo gogol ama xeer dhaqameed, oo wax xukun maxkamadeed ah aanu ku dhici doonin.

Exit mobile version