Friday, September 12

Sida warbaahinta ay tabineyso, Tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka HIV/AIDS ee degaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia ayaa sare u kacday mudooyinkii ugu danbeeyey.

Cabdiraxmaan Nuur Cabdi, oo ah wasiirka xafiiska ka hortagga iyo xakamaynta cudurka HIV/AIDS-ka ee dowlad deegaanka, ayaa sheegay inuu soo kordhayo kiisaska la xiriirka HIV AIDS ee laga helayo gudaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Wasiirka ayaa sheegay in sababta kororka keentay ay tahay dadka oo u bareeraya waxyaabihii lagu kala qaadayey xanuunkan, taas oo ku tilmaamay arrin wal walkeeda leh.

Wuxuu Wasiirku ka dhawaajiyey in xafiiskooda uu billaabay dar dar galinta wacyi galin ay u sameynayaan bulshada si ay uga feejignaadaan khatarta ama halista xanuunka HIV AIDS.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in hadda ay diiwaan geliyeen dad ka badan 2-kun, kuwaas oo qaata dawooyinka kaalmaatiga ah ee lagu yareeyo halista xanuunkan uu u geysan karo dadka la nool.

Hadalka ka soo yeeray Madaxda maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa cabsi ku abuuray bulshada dowlad deegaanka, kuwaas oo si aad ah u hadal haya walaaca dhanka caafimaad ee soo biiray.

Exit mobile version