Thursday, September 11
Weli waxaa taagan khilaafka ba’an ee u dhaxeeya Maamulka Puntland iyo madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaas oo waqtigan u muuqda mid xal loo la’ yahay.

Dhinacyo badan oo isku dayey in ay khilaafkan xaliyaan ayaa ku guuldareystay sababo la xiriira mowqifka ay labada dhinac kala joogaan, waana arrin walaac hor leh abuurtay.

Dhawaan waxaa Garoowe gaaray wafdi uu hoggaaminayo xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, kaas oo waqti badan galiyey xalinta khilaafkan, balse arrinta ayaa ka socon weysay labada dhinac.

Xaaladda ayaa u muuqata mid qori qori ku taag ah, waxaana Swan uu ka rajo dhigay xalinta khilaafkan, iyadoo ay ka sii horeeyeen siyaasiyiin badan oo ku guuleysan waayey sidii ay khilaafkan u qaboojin lahaayeen.

Waqtigan rajo badan lagama qabo in dhinacyadu ay isku soo dhawaadaan, waxaana heerkii ugu hooseeyey taagan xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe, iyadoo ay xusid mudan tahay in Puntland aanay ka qeyb galin kulamadii ugu danbeeyey ee golaha wadatashiga.

Si Kastaba khilaafkan ayaa caqabad ku noqon kara hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya oo ah mid soo kabanaya, una baahan wadatashiyo wadajir ah iyo isku tanaasul.

Exit mobile version