Monday, September 15

khilaafkii u dhaxeeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaridka maamulkaasi ayaa waqtigan cirka isku shareeray, wuxuuna marayaa meel halis ah.

Siyaasiyiinta Mucaaridka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Lafta gareen uu doonayo muddo kordhin, waxeyna walaac ka muujinayaan qabsoomida doorashada maamulkaasi.

Siyaasiyiintan ayaa shalay ka baaqday kulan la filayey inuu ka dhaco Baydhabo, kaas oo la isugu keenayey dhinacyada.

Dadka ka soo jeeda Koonfur galbeed ayaa ku talinaya in khilaafka jira lagu xaliyo wada hadal isla markaana ay dhinacyadu is hor fadhiistaan si loo xaliyo tabashada jirta.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan dhinacyada isugu yeeray Dhuusamareeb ayaa ku guuldareystay xalinta khilaafka Koonfur Galbeed ka taagan, kaas oo waqtigan aan la ogayn halka uu ku biyo shuban doono.

Exit mobile version