Monday, September 15

(Hortabin Media) Muddo dheer waxaa xal loo la’yahay khilaafka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo Maamulka Puntland, kaas oo saameyn ku yeeshay wada shaqeyntii labada dhinac.

Madaxweyne Deni iyo Xasan Sheekh, ayaa kala taagan labbo meel oo aad u kala fog, waxaana adag in la isku soo dhaweeyo, wallow uu socdo dadaal la isku keenayo.

Xildhibaanno ka soo jeeda Puntland iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa wada qorshahan, waxaana la filayaa in dhawaan ay is arkaan Deni iyo Xasan Sheekh.

Kulankooda oo qabsoomi doona, ayaa la sheegay inuu noqon doono mid ay albaabada u xiran yihiin, iyagoo si hoose uga munaaqashoon doona tabashada jirta iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Deni oo Puntland hoggaan u ah kama qeyb galin kulamadii ugu danbeeyey ee gollaha wadatashiga qaran, isagoo qaadacay go’aanadii ka soo baxay shirarkii ay goluhu yeesheen.

WQ: Ayaanle Qoyste 

Exit mobile version