Waxaa waqtigan lagu howlan yahay xal u helida khilaafka ba’an ee ka dhex aloosan dowladda dhexe iyo maamulka Puntland, oo in muddo ah soo jiitamayey.
Xalinta khilaafkan ayaa waxaa ka shaqeynaya Xildhibaanno ka tirsan Barlamanka Soomaaliya oo deegaan ahaan ka soo jeeda maamulka Puntland.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale xal u helida khilaafkan la kaashanaya labbo Ra’iisul Wasaare oo hore dalka u soo maray, kuwaas oo kala ah Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Cali Gaas, oo iminka ku sugan Muqdisho.
Agaasimaha Madaxtooyada ayaa warfidiyeenada u xaqiijiyey in lagu guda jira xalinta khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.
Waxaa dhanka kale jira in xalinta khilaafkan loo saaray guddi ka kooban xildhibaano iyo odayaal ka soo jeeda Puntland.
Maamulka Puntland ayaanan ka qeyb galin kulamadii ugu danbeeyey ee ay gollaha wadatashigu ku yeesheen Muqdisho, kuwaas oo lagu gaaray go’aamo masiiri ah.
Maamulka Puntland ayaa ka soo horjeestay heshiiskii ugu danbeeyey ee ay gaareen gollaha wadatashiga qaran, kaas oo saameynayey arrimaha doorashooyinka.
Lamo ogga mowqifka uu ka qaadanayo maamulka Puntland, xal u raadinta xiisada kala dhaxeysa Puntland, waxaase la ogsoon yahay in arrintan ay saameysay wada shaqeyntii ka dhaxeysay dowladda dhexe iyo maamulkaasi.