Friday, September 12

Muddo dheer ayuu soo jiitamayaa khilaafka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamullada Puntland iyo Jubaland, waxaana xurgufta ay u muuqataa mid ka sii dareysa marba marka ka danbeysa.

Khilaafkan oo ilaa iyo iminka aan xal loo helin, ayaa noqday mid hakiyey wada shaqeynta dowladda dhexe iyo maamullada, taas oo caqabad ku ah hannaanka dowlad dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale khilaafkan ayaa fursad u ah kooxaha argagixisada, maaddaama dowladdii dhexe iyo maamulladii xubnaha ka ahaa ay kala qeybsan yihiin, waana fursad ay kooxda ku sii xoogeysan karto.

Isfaham waagan ayaa geesta kale saameyn ballaaran ku yeelan kara doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan, maaddaama ay dhinacyadu yihiin kuwa kala argti duwan, taas oo iska daba wareeg iyo meehanaw ku hoggaamin karta nooca doorasho ee uu dalku aadayo.

Dhan kastaba aqoonyahanada Soomaalida ayaa ku talinaya in aqalka sare oo matala maamullada dalka uu isku taago xalinta khilaafkan oo iminka noqday mid gaamuray, si dalka uu hore ugu dhaqaaqo.

Exit mobile version