Friday, September 12

Khilaaf aad u xooggan ayaa bilihii ugu danbeeyey hareeyey hoggaanka Al Shabaab, kuwaas oo ku kala qeybsamay arrimo kala duwan oo ay ugu horeyso sida loo wajahayo dagaalka ay dowladdu ku baaqday.

Qaar ka tirsan hoggaanka ayaa soo jeediyey in kooxdu isaga soo baxdo Gobollada dhexe ee Soomaaliya, oo hadda intooda badan laga saarey, si dagaalyahanada halkaas ka imaanaya loogu xoojiyo degaanada ay waqtigan sida buuxda uga arrimiyaan.

Go’aankaas waxaa ka horyimid xubno kale oo ka tirsan isla Gollaha Shuurada ee ay kooxdu leedahay, kuwaas oo ku qanci waayey fikrada ay soo gudbiyeen saaxiibadood.

Kooxdii ugu horeysay ee noqotay ayaa la kulantay jidgooyo, waxaana lagu wargaliyey in ay dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen, iyadoo dadka la celiyey ama loo diiday in ay galaan Jilib ay ku jireen amiiro kooxda dhexdeeda caan ka ah.

Khilaafka kooxda ka dhex jira ayaa sidoo kale sababay, in xil ka qaadis lagu sameeyo Salmaan Al Muhaajir, oo madax u ahaa Al Shabaabka ka dagaallama xuduuda ay Soomaaliya la leedahay Kenya.

Khilaafkan ayaa door weyn ku leh dib u dhaca kooxda la soo gudboonaayey bilihii ugu danbeeyey, oo ay yaraatay dhaqaalihii ay ka heli jireen dadka Soomaaliyeed, maaddama laga saaray gobollo badan, isla markaana laga xanibay dhowr akoon oo ay ku jireen lacago fara badan.

Exit mobile version