Friday, September 12

Khasaare baaxad ayaa ka dhashay duqeyn dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen tuulo u dhaw degmda Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dueyntan ayaa ka dhacday tuulada Baqdaad oo u dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana khasaare uu ka soo gaaray dad rayid ah oo beeraleey ahaa.

Inta la ogyahay duqeyntan waxaa ku geeriyooday 21 qof oo shacab oo carruur ay ku jirto, waxaana meydadkooda la keenay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Kal hore oo shalay ahayd Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay duqeyntaas waxayna sheegtay in lagu laayey xubno Al-Shabaab ah oo ay tiradoodu gaareyso 40 dagaallame.

Exit mobile version