Tuesday, October 28

Dagaallada ka socda waqooyiga gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan, ayaa dhaliyay barakac ah iyo xasuuq lagula kacay boqollaal rayid ah , iyadoo muuqaallo la baahiyay ay ka soo muuqdeen ciidanka RSF oo toogasho kula kacaya dadka rayidka ah ee isaga baxaya magaalooyinka ay la wareegeen RSF

sida ay werisey Al Jazeera, Ciidanka milatariga Suudaan ayaa burbur kala kulmaya waqooyiga gobolka Daarfuur, iyadoo 48 saac ee u dambeysay ay la wareegeen ciidanka kooxda RSF , saddex deegaan oo muhiimad istaraatiji ah u leh dagaalka ka socda Daarfuur iyo Kordofan, kuwaasoo kala ah El Fasher oo ay shalay ka baxeen milatariga iyo maanta oo ay RSF gaartay labada tuulo ee Umm Dum Hajj Ahmed iyo Al-Zurayba oo ka tirsan gobolka Kordofan.

Sidoo kale Tv-ga ayaa baahiyey in Afhayeenkii ciidanka isku dhafka ahaa ee milatariga Suudaan ku taageerrayay dagaallada ka socda gobolka Daarfuur, oo lagu magacaabo , Axmed Xuseen Mustafa lagu dilay magaalada El Fasher ee waqooyiga Daarfuur, halkaa oo ay la wareegeen ciidanka kooxda RSF.

Milatariga Suudaan ayaa duqeymo diyaaradeed ka billaabay deegaannada ay la wareegeen ciidanka RSF ee ka tirsan waqooyiga gobolka Kordofan, halkaa oo dagaallo culus oo ka dhacay magaalooyinka Umm Rawaba iyo Rahad Abu Dakna looga adkaaday milatariga oo isaga baxay.

Si kastaba Hoggaamiyaha milatariga Suudaan, Cabdel Fataax Al-Burhaan ayaa maanta qaabbilay safiirka Turkiga u fadhiya Suudaan, Faatix Yildiz iyo madaxa xiriirka milatariga ee safaaradda Turkiga, xilli isla maanta milatariga Suudaan lagu jebiyay dagaallada ka socda waqooyiga gobollada Daarfuur iyo Kordofan oo ay ku jirto magaalada istaraatijiga ah ee El Fasher oo ay la wareegtay RSF.

Exit mobile version