Saturday, September 13

Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay shil tareen, kaas oo ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan Degmada Shiniile ee gobolka Siti.

Shilka Tareen inta la soo weriyey waxaa ku geeriyootay 4- qof iyadoo ay ku dhaawacmeen 25-kale, kuwaas oo ay qaarkood xaaladoodu liidato.

Shilkan ayaa yimid kadib marki ay isku dhaceen Tareen ka yimid Jabuuti iyo gaari nooca xamuulka ah oo taagnaa jidka Tareenka.

Dhamaan dhaawacyada waxaa la geeyey isbital ku yaalla Jigjiga, halkaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Ma ahan shilkii ugu horeeyey ee Tareen ee ka dhaca Degmada Shiniile, taas oo mudooyinkii ugu danbeeyey ay ku soo badanayeen shilalka Tareenada, kuwaas oo sababa khasaare kala duwan.

Exit mobile version