Monday, September 15

Khasaare aad u fara badan ayaa ka dhashay shil gaari oo ka dhacay xaafada Carafaad ee duleedka waqooyi ee caasimada Muqdisho.

Shillkan ayaa yimid kadib markii uu gadoomay, gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwo deegaanada Balcad iyo Warsheekh.

Inta la ogyahay shilka waxaa ku geeriyooday 6 askari oo uu ku jiro, taliye ku xigeenkii saldhigga booliska degmada Warsheekh oo lagu magacaabi jiray Cali Shaal Maxamed.

Waxaa sidoo kale shilkan ku dhaawacmay 5 askari, oo ka mid ahayd askartii saarnayd gaariga, waxaana gaariga gudoomay uu ahaa nooca ay Soomaalidu u taqaan Cabdi Bilaha.

Askarta dhaawacantay ayaa loola soo cararay Muqdisho, waxaana xaaladooda caafimaad lagu dabiibayaa xarumaha caafimaadka Caasimada.

Exit mobile version