Monday, September 15

(Hortabin Media) – Faah faahino dheeri ah ayaa ka soo baxay qarax maanta gobolka Gedo lagula eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada milatariga dowladda Soomaaliya.

Qaraxan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay waddada xiriirisa magaalooyinka Luuq iyo Doolow, halkaas oo ay marayeen kolonyo ka tirsan gadiidka ciidmada dowladda Soomaaliya.

 Kolonyada qaraxa lala eegtay ayaa waxaa la socday abaanduulaha ciidamada milateriga guutada 10-aad, qeybta 43-aad ee gobolka Gedo, Gaashaanle Dhexe Cabdirashiid Maxamed Cismaan (Rashiid Bohol), waxaana lagu soo waramayaa in qaraxa uu ka soo gaaray dhaawac.

Dhaawaca Abaanduulaha ayaa lagu tilmaamayaa inuu yahay mid fudud, waxaana lagu dabiibayaa isbital ku yaalla degmada Luuq oo durba la gaarsiiyey.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku geeriyootay ilaa 6 askari oo ka tirsan ciidamadii la socday kolonyadii qaraxa lagu beegsaday, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Qaraxan waxaa masuuliyadiisa sheegtay Kooxda Al Shabaab, oo iminka wajaheysa culeys adag, waxaana furin halis ah oo colaadeed ay uga furan tahay gobollada dhexe, iyadoo laga saaray deegaanno badan.

WQ: Ayaanle Qoyste 

Exit mobile version