Monday, September 15

(Hortabin Media) – Tiro hoobiyayaal ah ayaa xalay ku soo dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan degmooyinka Wadajir iyo Dharkenleey.

Hoobiyayaashan ayaa dhaliyey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana la soo werinayaa in ay ku geeriyoodeen dad isku qoys ah.

Tiro sugan lama hayo ilaa iyo iminka, hase ahaatee hoobiye ku soo dhacay xaafada Tarbuushka ee degmada Wadajir ayaa geystay khasaare baaxad leh, waxaana waxyeelo ay ka soo gaartay dad rayid ah.

Goobaha ay hoobiyayaashu ku soo dhaceen, ayaa saakay laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah, waxaana dadka shacabka ah ay muujinayaan walaac aad u fara badan.

Maalmihii ugu danbeeyey gudaha Muqdisho waxaa ka dhacayey weeraro u badan qaraxyo, kuwaas oo khasaare kala duwan gaystay, waxaana arrintani ay qeyb ka tahay qal qalka soo wajahay amniga Caasimada.

Exit mobile version