Webiga Shabelle ayaa xilligan ku fatahay deegaano ka tirsan Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.
Meelaha ugu daran waxaa ka mid ah, deegaanka Laba Jameeco oo qiyaastii 20km dhinaca koonfur bari kaga beegan magaalada Jowhar ee gobalka Shabellaha dhexe kaas oo uu godoomiyay isla markaana fatahaadu ay ka jartay degaanada kale ee gobalka.
Webiga ayaa bur bur u geystay aqalo badan oo ku yaallay deegaankaasi, waxaana adag nolosha dadka halkaasi ku sugan.
Ilaa iyo waqtigan dadkan ma helin gargaar, waxeyna dowladda dhexe iyo maamulka Hirshabelle la dalbadeen in gurmad lala soo gaaro, lagana samata bixiyo xaaladda adag ee ay wajahayaan.
Webiyada mara dalka ayaa inta badan sameeya fatahaado ay ka dhashaan khasaare isugu jira dhimasho, iyo bur bur hantiyeed.