Monday, September 15

(Hortabin Media) – Bannaanbaxyada gudaha Muqdisho ka dhaca intooda badan oo ah kuwo rabshado wata, ayaa dhaliya khasaare kala duwan, oo isugu jirta mid nafeed iyo tu hanti.

Dadka bannaabaxaya ayaa had iyo goor guba taayiro, iyagoo dhagxaan ku tuuro goobaha ganacsiga, halkaas oo ay ka dhalato khasaare nafeed.

Ciidamada amniga ayaa iyaguna ku jawaaba rasaas, waxaana sidoo kale goobta ka dhasha khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir. oo dhawaan hadlay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho aan lagu qaban karin dibadbaxyo wata rabshado, waxaana kuwo dareenkooda muujinaya uu kula dar daarmay in ay is xakameeyaan. 

Exit mobile version