(Hortabin Media) – Kooxda Al Shabaab, ayaa shalay qarax aad u xooggan ka fulisay Magaalada Baladweyne, waxana qaraxu uu ahaa mid ismiidaamin ah, oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.
Qaraxan oo si gaar ah uga dhacay Koontorool u dhaxeeya Xaafadaha Xaawo Taako iyo Kooshin, ayaa waxaa ku geeriyooday dad badan oo rayid ah, halka kuwo kalana ay ku dhaawacmeen.
Sida la shaaciyey waxaa qaraxa ku geeriyooday 20 qof oo badankood shacab ah, kuwaas oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.
Arrinta argagaxa leh ayaa ah in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen dad qoys ah, kuwaas oo uu gurigooda ka yaallay goobta uu qaraxu ka dhacay.
Qaraxan ayaa sidoo kale bur bur xooggan gaarsiiyey dhamaan guryihii ka agdhawaa Koontorolkii lala eegtay, waxaana muuqaallo laga soo duubay goobta uu qaraxu ka dhacay ay muujinayeen baaxada uu le eg yahay qaraxa.
Qaraxan oo ay aad uga naxeen guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaa dhaleeceysay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo u tacsiyeeyey qoysaska dadkii ku geeriyooday halkaasi.
Qaraxan ayaa lagu micneeyey mid ay Al Shabaab uga aargudaneyso dadka reer Hiiraan, oo ahaa kuwii billaabay kacdoonka looga soo horjeedo argagixisada, iyagoo ka saaray deegaano fara badan oo ka tirsan Hirshabelle.
Qaraxan ayaa imanaya xilli kooxda ay caddaadis adag kala kulmeyso ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana kooxda looga awood roonaaday inta badan dagaalada ka socda bartamaha Soomaaliya, iyagoo faarujiyey fariisimo muhiim ah.