Monday, September 15

(Hortabin Media) – Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dibadbaxyo looga soo horjeeday xariga Jeneral Sheegow oo ka dhacay Magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar.

Bannaabaxa ka dhacay Baladweyne, waxaa inta la ogyahay ku geeriyooday 1 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 2 kale, kadib markii ay ciidamada amnigu fureen rasaas ay dadka ku kala eryayeen.

Sidoo kale Jowhar Bannaanbixi ka dhacay waxaa ku dhaawacmay 2 qof oo rayid ah, kuwaas oo ay iyaguna haleeshay rasaas ay ciidamada Hirshabelle ku rideen dibadbaxayaasha.

Dadka Bannaabaxaya oo ah kuwo shacuurtoodu kacsan tahay, ayaa qal qal galiyey isku socodka dadka iyo gaadiidka magaalooyinkaasi, waana kuwo ka soo horjeeda xariga ay dowladdu u geysatay Jeneral Sheegow Axmed Cali.

Exit mobile version