Friday, September 12

Dad aad u badan ayaa ku geeriyooday dhul gariir saacadihii la soo dhaafay ka dhacay dalka Marooko.

Inta la ogyahay waxaa dhul gariirka ka dhacay Marooko ku geeriyooday dad gaaraya laba boqol iyo sagaashan iyo lix qof, iyadoo tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Khasaaraha ugu badan waxa uu dhul gariirku gaarsiiyey deegaanada ku xeeran buuraha Atlas, oo ah halku uu ka dhacay dhul gariirka xoogiisa.

Sidoo kale waxaa barakacay dhamaan dadkii ku noolaa magaalada weyn ee Marrakesh, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil u hadlay dowladda Marooko.

Exit mobile version