Friday, September 12

6-qof ayaa ku geeriyootay, 16 kalana wey ku dhaawacmeen Shil Gaari oo ka dhacay Degmadda Mecuburi oo ka tirsan Caasimadda Gobalka Nampula ee dalka Mozambique.

Gaari Xamuul oo ay la socdeen Rakaab u badnaa Ganacsato ayaa waxa uu ku dhacay Gaari Xamuul oo taagnaa jidka dhinaciisa, waxaana Gaariga shilka galay la sheegay inuu si xawli ah ku socday, taasi oo soo dedejisay inuu Shil galo, isla markaana uu sababo khasaaraha kala duwan.

Inta badan dadka Rakaabka oo ahaa Ganacsato waxay ku sii jeedeen magaalladda Nampula, si ay Badeecado uga soo qaataan halkaasi.

Wadihii Gaariga oo markii hore baxsaday waxa uu ugu dambayntii isku dhiibay Booliska sida ay saraakiisha boolisku xaqiijiyeen.

Dad goobta ka agdhawaa, ayaa sheegay in Gaariga ay saarnaayeen 22 qof, taasi oo ka badan Tirada rasmiga ee loogu talagalay in ay raacaan oo ahayd 15 qof oo keliya.

Dhinaca kale, dadkii ku dhaawacmay Shilkaasi waxaa la dhigay Isbitaalka Dhexe ee Magaalada Nampula , iyadoo dhakhaatiirtu xaqiijiyeen in la soo gaarsiiyey 16 dhaawac ah,  oo 5 ka mid ah la daaweeyey, kana baxeen Isbitaalka, balse 11-kii kale la dhigay Isbitaalka, si adeegyo caafimaad oo dheeri ah loogu sameeyo.

Exit mobile version