Saturday, September 13

Booliska Soomaaliya ayaa goordhaw Warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay ay Al Shabaab ku qaadeen Hotel Pearl Beach oo ku yaalla Xeebta Liido ee Muqdisho.

Booliska waxa uu sheegay in weerarkaasi ay ku geeriyoodeen, 6 qof oo shacab ah, isla markaana ay ku dhaawacmeen 10 kale oo rayid ah.

Booliska ayaa intaasi ku daray, in ciidamada dowladda ay ka geeriyoodeen seddex askari, kuwaas oo ka mid  ahaa ciidamadii qeybta ka ahaa howlgalkii lagu soo afjarayey weerarka.

Weerarkii xalay oo ku billawday qaraxyo, ayaa qaatay in la soo geba-gabeeyo, wax ka badan 8-saacadood, waxaana dagaalyahanada Al Shabaab ee Hotelka galay ay tiradoodu ahayd 5 nin, kuwaas oo dhamaantood la dilay, intii uu howlgalku socday.

Bur bur aad u xooggan ayaa ka muuqanaya Hotelka la weeraray iyo dhamaan dhismayaashii ku dhawaa, kuwaa oo ay saameyn xooggan ku yeesheen qaraxyadii iyo rasaastii cusleyd ee ay adeegsanayeen kooxdii Hotelka qabsatay.

Exit mobile version