Friday, September 12

Waxaa waqtigan daba dheeraaday dagaalka ka socda duleedka magaalada Laascaanood, gaar ahaan halka loo yaqaano Goojacade.

Dagaalka oo si xiriira aanan u socon, ayaa qarxa mararka qaar, waxaana jirta in dhinacyadu ay is hor fadhiyaan in ka badan 60 casho.

Dagaalkan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo xooggaga xoreynta Gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn, ayaa inta la rumeysan yahay dadka ku dhintay waxa ay kor u dhaafayaan kun ruux halka dhaawucuna uu tuban yahay Isbitaallada ku kala yaalla Garoowe iyo Hargeysa.

Magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah meelaha sida joogtada ah loo keeno dhaawacyada dadka ku soo dhaawacmay dagaallada ka socda Goojacade, waxana lagu dabiibaa xarumaha caafimaadka, iyadoo qaarka dhaawacoodu culus yahayna dalalka dibadda loo qaado.

Dagaalka ayaa sidoo kale dhaliyey barakac aad u ballaaran, waxaana waayo culus qaabilaya kumannaan Soomaaliyeed oo ku noolaa magaalada Laascaanood ee daafaheeda.

Waxaa guul dareystay waan waan nabadeed oo ay odayaal Soomaaliyeed ka dhex wadeen dhinacyada isku haya halkaasi, taas oo xaaladda sii cakireysa

Beesha caalamka iyo hay’ada ka shaqeeya arrimaha bani’aadminada ayaa Maamulka Somaliland ku eeddeeyey inuu isticmaalay hub culus, kuwaas oo khasaare gaarsiiyey dad rayid ah oo fara badan, waxaana xusid mudan in Somaliland ay dhagaha ka fureysatay baaq uga yimid caalamka oo ku aaddanaa in la joojiyo dagaalka.

Exit mobile version