Dagaal khasaare ba’an geystay ayaa saacadihii ugu danbeeyey deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ku dhex maray labbo beelood oo walaalo ah.
Dagaalka ayaa u dhaxeeyo maleeshiyo beeleedyo ayaa ka socda deegaanka Laandheer oo 20 km u jira Magaaladda Caabudwaaq iyo degmada Xeraale
Dagaalka oo socday saacado badan, ayey dhinacyadu isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare aad u baahsan.
Dagaalka waxaa ku geeriyooday dad kor u dhaafaya 60 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, wuxuuna dagaalku sababay barakac baahsan.
Maamulka Galmudug ayaa dhinacyada ugu baaqay in xiisada qaboojiyaan, waxaana xusid mudan in deegaanada Galmudug ay ku soo noq noqdeen dagaal beeleedyada.