Friday, September 12

Alle ha u naxariisto waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyootay Fanaanada Khadra Cumar Dhuule, taas oo maalmihii ugu danbeeyey ahayd bukaan socod.

Fanaanadan Soomaaliyeed ayaa fanka ku jirtay muddo aad u dheer, waana mid ka soo jeeday qoys faneed, oo dalka si weyn looga yaqaano.

Khadra ayaa bartamihii ayaa hore usoo saartay Albuno, ay ku jiraan heeso aad u macaan, kuwaas oo helay dhageystayaal fara badan, iyadoo dhawaan heesahaas muuqaal ahaan u duubtay.

Waxaa saakay hoyga Fanaaniinta ee Ex Fiyoore buux dhaafiyey dad badan, oo ka soo qeyb tacsida, waxaana la filayaa in fanaanada maanta lagu aasso Muqdisho.

Exit mobile version