Thursday, September 11
Maamulka Khaatumo oo ah mid KMG ah ayaa waqtigan gucla orad ugu jira sidii uu u noqon lahaa maamul dhameystiran oo wax la qeybsada maamullada kale ee dalka ka jira.

Hogaamiyaha maamulkaasi Firdhiye oo marar kala duwan ku soo noq noqday Caasimada, ayaa ku guuldareystay in dowladda uu ku qanciyo in Khaatumo ay noqoto maamul dhameystiran.

Sababaha ugu waa weyn ayaa lagu sheegayaa in Khaatumo aanay ka wada arrimin gobolada Sool iyo Sanaag, kuwaas oo qeyb ka mid ah ay gacanta ku heyso Somaliland.

Arrintan ayaa dhaawac weyn ku noqoneysa Khaatumo inuu noqdo maamul dhameystiran, maaddaama sharuuda maamul goboleedka looga baahan yahay ay qeyb ka tahay in aad gacanta ku heyso Labo gobol ama gobol iyo bar, taas oo xilligan aan gacanta ugu jirin Khaatumo.

Caqabada kale ayaa iyadana ah in xubno ka soo jeeda Khaatumo ay qeyb ka yihiin Puntland, halkaas oo ay ka soo galaan Barlamanka, waana tallaabo wiiqeysa hadafka ay gucla oradka ugu jiraan.

Culeyska Khaatumo uga imaanaya dhanka Puntland ee ah dhul balaarsiga iyo in Xildhibaanadii Khaatumo matali lahaa ay ku xisaabtameyso Puntland ayaa xaaladda sii murjineysa.

Exit mobile version