Monday, October 27

Xiisad xooggan ayaa waqtigan ka dhex aloosantay dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib markii Tanzania ay joojisay duulimaadyadii diyaarada Kenya Airways ku tagi jirtay Tanzania.

War ka soo baxay Hay’adda duulista rayidka ah ee Tanzania ayaa lagu sheegay in  oggolaanshiyihii duulimaadyada Tanzania lagala laabatay shirkadda diyaaradaha Kenya Airways.

Duulimaadyadan oo isaga kala gooshi jiray caasimadda Kenya ee Nairobi iyo Daarusalaam oo ah xarunta ganacsiga ee Tanzania, ayaa gabi ahaanba la hakiyey sida qoraalka lagu cadeeyey.

Tanzania ayaa sheegtay in arrintan ay uga aargudaneyso Kenya, oo sida ay tilmaantay xaqirtay ama duudsiiyey xuquuqdii shirkada diyaaradaha Xamuulka Tanzania.

Arrintan ayaa noqoneysa jawaabta kenya, oo dhawaan diiday codsigii Tanzania ee ku aaddanaa dulimaadyada ku saabsan xamuulka ee diyaaradda Tanzania Air.

Xiisadan cusub ayaa xaalka sii adkeyneysa xilli ay mudooyinkan ay gobolka hareysay xiisada ka dhex oogan Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ilaa iyo iminka lagu mashquulsan yahay xalinteeda.

Exit mobile version