Thursday, September 11

Al Shabaab ayaa joogteysay, weerarada ay ka geysaneyso gudaha Kenya, iyagoo wax ka yar 30 casho, qaaday ilaa lix weerar oo geystay khasaare kala duwan.

Weerarada oo ay ku geeriyoodeen dad gaaraya 11 qof, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen 10 kale, ayaa ka kala dhacay deegaanada Garissa, Wajir iyo Mandera.

Weeraradan midkii ugu danbeeyey ayey Al Shabaab la egteen gaari ay lahaayeen booliska Kenya, oo ilaalo ka hayey gaari bas ah, oo dad rakaab ah u siday Kenya, waxaana weerarkaasi oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ka dhashay khasaare aan weli la shaacin.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Kenya Aaden Barre Ducaalle, oo ka hadlay dhibaatada ay kooxdan ku heyso gudaha Kenya ayaa xusay in aan loo dulqaadin karin, isla markaana ay la imaanayaan qorshe ay kooxdaasi uga saarayaan gudaha Kenya.

Aaden Barre waxa uu sheegay in ay Xog fara badan ka hayaan meelaha ay ku dhuumeeleysanayaan Al Shabaab, isagoo sheegay in ay jiraan dad xiriir la leh, kuwaas oo sida uu xusay gacanta lagu soo dhigi doono.

Exit mobile version