Friday, September 12

Dowladda Kenya ayaa cod dheer ku sheegtay in ay 1,000 askari oo booliis ah u direyso dalka Haiti, oo ay dhibaato ba’an ku hayaan kooxo burcad ah oo qal qal galiyey amniga guud ee dalkaasi.

Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay kaalin weyn ka geysanayaan sidii ay nabad ugu soo dabaali lahaayeen dalka ay colaaduhu ehelka u noqdeen.

Ciidamadan ayaa sidoo kale dhigooda dalka Haiti sii doona tababaro kala duwan oo keeni kara, in ay ku filnaadaan amniga dalkooda, isla markaana ay ka adkaadaan kooxaha rabshadaha wada.

Go’aanka ay ku dhawaaqday Kenya, ayaa daba jooga baaqii ka soo yeeray Ra’iisal wasaaraha dalka Haiti Ariel Henry, kaas oo bishii October ee sanadkii hore ka dhawaajiyey in Haiti ay u baahan tahay ciidamo caalami ah oo samata bixiya.

Go’aanka ay ku dhawaaqday Kenya waxaa soo dhaweeyey  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, kaas oo arrin bogaadin mudan u tilmaamay dalabka dawladda Kenya ee ku aaddan inay hoggaamiso ciidamo caalami ah oo wax ka qabanaya xaaladda amni darro ee ka jirta Haiti.

Amniga Haiti ayaa sii xumaanayey Tan iyo bishii July ee sannadkii 2021, waxaana dalkaasi aad ugu xoogeystay kooxaha burcada ah, kuwaas oo gacanta ku haya inta badan caasimadda Port-au-Prince.

Exit mobile version