Thursday, September 11

Hay’adda Is-dhexgalka Qawmiyadaha Kenya ayaa ku amartay shirkadda Facebook in muddo toddobo maalmood gudahooda ah ay wax uga qabato hadalada nacaybka iyo kicinta ku dhisan ee la xiriira doorashooyinka madaxtinimo ee bisha soo socota lagu wado in ay dalkaasi ka qabsoomaan.

Danvas Makori oo ah guddoomiyaha Guddiga Isku Dhafka iyo Isdhexgalka Qaranka ayaa yiri “Facebook waxaa ay ku xad-gudbay shuruucda dalkeenna. Waxa ay oggolaadeen in ay hormuud ka noqdaan in bartooda lagu faafiyo hadallada nacaybka iyo kicinta abuuraya iyo sidoo kale goob lagu faafiyo macluumaadka khaldan,”

Afhayeen u hadlay shirkadda Facebook ayaa sheegay in dhankooda ay qaadeen “tallaabooyin ballaaran” si ay meesha uga saaraan hadalada naceybka abuuraya iyo waxyaabaha kale ee xanafta leh, waxayna shirkadu sheegtay in ay sii xoojinayso dadaalladaas ka hor doorashada.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in shirkaddu ay isticmaasho teknoolijiyad casri ah isla markaana ay leedahay shaqaale ku hadla luqadda Sawaaxiliga kuwaas oo shirkadda ka caawiya in ay si degdeg ah uga saarto waxyaabaha xanafta leh.

Taageerayaasha musharrixiinta hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenka William Ruto, ayaa olole xoogan ka wada baraha bulshada si ay ugu qanciyaan cod bixiyayaasha kale inay ku soo biiraan.

“Dalkani waa uu ka weyn yahay shirkad baraha bulshada ah ama hay’ad kale. Ma ogolaan doono in Facebook, ama shirkad kale oo baraha bulshada ah, ay amniga khalkhal geliso,” ayuu yiri Danvas Makori.

Shirkadda Facebook ayaa haddii ay u hogaansami weyso amarka dowladda Kenya wajihi doonta caqabado xagga sharciga taas oo sababo karta in dalka laga mamnuuco.

Exit mobile version