Friday, September 12

Waxaa isi-soo taraya khasaaraha ka dhalanaya sun lagu shubay qaar ka mid ah xeebaha dalka Soomaaliya, iyadoo dhibaatadaasi ay saacadihii u danbeeyey u geeriyoodeen 2 nin oo kalluumeysato ah.

Kalluumeysatada geeriyootay ayaa kalluunka ka jillaaban jiray xeebaha Xaafuun ee gobolka Bari, waxaana sida la sheegay ay badda gudaha u galeen 2 bil ka hor, waxaana laga soo saaray iyagoo xaaladoodu liidato.

Kulluumeysto kale oo tiradoodu gaareyso 11 qof oo la socotay kuwa geeriyooday, ayaa iminka xaaladooda lagula tacaalayaa isbital ku yaalla magaalada Xaafuun, waxaana la sheegayaa in intooda badan ay ka cuuryaameen addimada hoose, sida uu saxaafada la wadaagay Agaasimaha Isbitalka magaalada Xaafuun.

Kulluumeysatadu waxey arrintan ku eedeeyeen Maraakiib shisheeye oo laga leeyahay dalalka Asia, waxeyna dalbadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan arrintan wax looga qabto.

Arrintan ayaa daba joogta, xilli sanadihii ugu danbeeyey ay kalluumeysatadu sheegayeen, in la sumeeyey xeebaha dalka, isla markaana kalluunka ay xeebaha ka soo jillaabtaan uu midab doorsoomay oo aanu ahayn kii ay garanayeen.

Suntan ayey sheegeen kalluumeysatadu, in ay baabi’isay kheyraadkii ku jiray badda hoosteed, waxaana mararka qaar sida ay tilmaameen ay soo jillaabteen kalluun aan nooleyn.

Maamulka Gobolka Bari ayaa kalluumeysatada uga digay in ay badda ka soo jilaabtaan ilaa amar danbe, iyagoo xusay in ay sameyn doonaan baaritaan qoto dheer.

Exit mobile version