Monday, October 27

Is-mari-waa xooggan oo muddo ka dhex aloosnaa mucaaradka iyo madaxda dawladda federaalka Soomaaliya ayaa heer-kulka siyaasadeed ee dalka gaadhsiiyay figta ugu sarraysa, taas oo ka dhigtay dalka inuu dhex maquurto marxalad hubanti la’aaneyd.

xilli ay jirtay in natiijo la’aan ay ku soo dhamadeen kulamdii mucaaridka iyo Villa Soomaaliya ayaa misana Isniintii toddobaadkan hal dhinac oo ka soo goostay madashii mucaaradka waxa ay heshiis la qaateen madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan iyo xubnahan ka baxay Madasha Samatabixinta ayaa Muqdisho ku gaaray heshiis xal looga gaarayo khilaafka siyaasadeed ee dalka, iyadoo dhinacyadu isla qaateen hanaan doorasho oo ka duwan midkii ay Villa Somalia muddooyinkii dambe ka shaqeynaysay.

Inkastoo Madaxweynuhu uu ku adkeystay qodobada qaar ee doorashada qof iyo cod ah, sida in golayaasha deegaanka, baarlamaanka iyo labada aqal ay noqdaan kuwa loogu tartamo doorasho dadweyne, misana Heshiiskan cusub ayaa weji kale u yeelay xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ogolaaday in la isla aado teendhada Afisyoone, oo uu horey u diidanaa.

Inkastoo aan si dhab ah la isugu raacin Tani waxay ka dhigan tahay in siyaasiyiintu ay iska wareejiyeen caqabad ay ka mideysnaayeen oo ka heysatay awooda madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo xiligan wixii ka danbeeya aan fursad dambe u heli doonin inay soo xulaan xildhibaanada, si lamid ah doorashadii hore oo siyaasiyiin badan lagu cinqaabay.

Xubnaha mucaaradka ee ku haray Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo iyaguna hadlay ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aaddan heshiiskii ka dhacay Villa Somalia ee u dhexeeyay madaxweyne Xasan iyo 4 kamid ah xubnihii mucaaradka ee isaga baxay Madasha.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah mucaaradka ku haray Madasha Samatabixinta ayaa sheegay in weli ay taagan tahay Madashu, isla markaana aanu isbeddalin mowqifkooda, isaga oo ka horyimid heshiiska la gaaray.

Warsame ayaa heshiiska ku tilmaamay aragti u gooni ah xubnaha heshiiska la qaatay madaxweynaha, oo sida uu sheegay aan matalin madasha, wuxuuna intaasi ku daray in weli iyagu ay diidan yihiin hannaanka uu wax u wado Xasan Sheekh oo sida uu xusay ay horay isugu fahmi waayeen wada-hadalladii dhacay.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in waxyaabaha ay ku dhaliilayaan Dowladda Federaalka aanay keliya ahayn arrimaha doorashada, balse ay diiddan yihiin qaabka ay u maamushay xiisadda ka taagan gobolka Gedo, la macaamilka maamul-goboleedyada, ku-takrifalka hantida dadweynaha iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo uu dib u dhac badan hareeyey.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in dadaalkooda ay sii wadi doonaan, isla markaana ay qabanayaan kulamada ka dhanka ah dowladda, inta laga gaarayo heshiis buuxa.

Heshiiska doodda dhaliyay waxaa qalinka ku duugay Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid, guddoomiyayaashii hore ee baarlamaanka Shariif Xasan iyo Maxamed Mursal, iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Geelle, kuwaas oo la heshiiyay Madaxweyne Xasan, kadib markii ay kulan ku yeesheen Villa Somalia.

Xubnahan oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka ayaa saaxiibadooda ay ka wada tirsanaayeen Madasha waxa ay isku seegeen xalka laga gaarayo muranka doorashooyinka, waxeyna noqdeen kuwo u dhaga nuglaada madaxtooyada, taas oo u cuntami weysay siyaasiinta mucaaridka ugu tunka weyn sida Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre, Rooble iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Heshiiskan waxa uu sidoo kale dhigayaa in magacaabista Ra’iisul Wasaaraha uu yeelanayo Madaxweynaha, iyadoo Baarlamaanka uu codka kalsoonida qaadi doono, islamarkaana Madaxweynaha uu awood u leeyahay inuu kala laabto haddii loo baahdo.

Dhanka kale waxaa saacadaha soo socda la filayaa in labada garab ee mucariidka ay siyaabo kala duwan ula kulmaan wakiilada beesha caalamka, kuwaas oo ay kala hadlayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka.

Si kastaba kala jabka ku yimid mucaaridka ayaa ka dhigan guul u soo hoyatay Villa Soomaaliya, waxaase aakhirka lama huraan noqoneysa in dalka ay ka qabsoonto doorasho wadar ogol ah, taas oo ah caddaadiska uu madaxweynaha kala kulmaya dalalka taageera Soomaaliya.

Exit mobile version