Monday, September 15

(Hortabin Media) – Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan dalka dib ugu soo celisay qeybtii labaad ee ciidamo Soomaaliyeed oo lagu soo tababaray dalka Eriteriya.

Ciidamada oo ay tiradoodu aad u fara badan tahay, ayaa sanado badan tababar ugu maqnaa dalka Eriteriya, waxaana ay qeyb ka noqonayaan ciidamada jooga furimaha ee la dagaallamaya Al Shabaab.

Bulshada Soomaaliyeed badankood ayaa is weydiinaya, waxyaabaha ciidamada ay ku soo kordhin karaan dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab ee ka socda qeybo ka mid ah dalka.

Dadka sida dhaw ula socda xaaladda ciidamadan ayaa weydiimahaasi uga jawaabaya, in ciidamadan ay kaalin weyn ka qaadan karaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Waxey sheegayaan dadkan sida dhaw ula socda ciidamadan, in la soo siiyey tababaro xirfad sare leh, isla markaana ay yihiin kuwo ka adkeysi badan ciidamada kale, maaddaama dhul buuraleey ah ay tababar ku soo qaateen.

Ciidamadan oo la siiyey fasax bil ah, ayaa lagu wadaa in la geeyo furimaha hore ee dagaalka, waxaana laga dhursugayaa waxa ay ku kordhiyaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo iminka u muuqda mid jiitamaya.

Exit mobile version