(Hortabin Media) Ciidamada maamulka Jubaland ayaa gacanta ku dhigay nin maanta magaalada Kismaayo ka fuliyey weerar loo adeegsaday bamb gacmeed.
Ninkan ayaa sida la sheegay bamb-ka ku tuuray guri uu Kismaayo ka daganaa ah taliyaha amniga garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo oo magaciisa lagu sheegay Maxmed Axmed Xayi.
Ciidamada ayaa weerarkaasi kadib daba kacay dhagar qabaha iyagoo ugu danbeyn gacanta ku soo dhigay sida ay la wadaageen warbaahinta.
Saraakiisha u hadlay Jubaland ayaa sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono hay’adaha cadaaladda, isla markaana la marin doono waajibkiisa.