Friday, September 12

Madaxweynaha Maamulka Jubaland ayaa kulan la yeeshay ciidamada ka qeyb galaya wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka Kooxda Al Shabaab, kaas oo la filayo inuu dhawaan ka billawdo deegaanno ka tirsan Maamulkaasi.

Madaxwenaha Juballand Axmed Madoobe ayaa si gaar ah ula kulmay, ciidamada saraakiisha ciidamada Danab iyo kuwa daraawiishta Jubaland, oo door weyn ku leh dagaalka dhawaan lagu qaadayo Al Shabaab.

Kulanka intii uu socday waxaa si weyn looga hadlay habkii loo fulin lahaa gulufka ka dhanka ah Al Shabaab, oo iminka gacanta ku hayo degaanno badan oo uu maamullo Jubaland.

Waxaa gacanta Maamulka ka maqan gobolka Jubada Dhexe, waana qorshaha ugu horeeya ee maamulku leeyahay, waqtigan ahmiyada gaarka ah siinayo.

Si kastaba waxaa laga dhursugayaa waqtiga uu maamulku ku dhaqaaqayo wajiga labaad ee dagaalka, kaas oo marar kala duwan shirar looga arrinsanayo ay ka dhaceen gudaha Kismaayo, oo ah xarunta uu maamulku ku shaqeeyo.

WQ: Ayaanle Qoyste

Exit mobile version