Thursday, September 11

Koronto la’aan xooggan ayaa waqtigan ka jirta magaalada Jig-jiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dadka ku nool gudaha Jig-jiga oo warbaahinta la wadaagay cabashadooda ayaa sheegaya in aad u yar tahay korontada ay helaan habeenkii iyo maalintii, taas oo caqabad ku noqotay ganacsatada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Waxey sheegeen in koronto la’aanta ay u horseeday in ay fushan waayaan howlahoodii muhiimka ahaa, sababo la xiriira koronta la’aanta baahsan ee jirta.

Masuuliyiinta Dowlad deegaanka ayaa ku dhaliileen in ay ka gaabiyeen doorkoodii la xiriiray, ka jawaabida dhibaatada dhanka koronto la’aanta, waxeyna codsadeen in wax laga qabto caqada heysata.

Bulshada Jig-jiga ayaa tilmaamay in maamulkooda uu sabab u yahay in Jig-Jigo ay ka danbeyso is-maamullada kale ee ka jira dalka Itoobiya, kuwaas oo hela adeegyada muhiimka u ah bulshada.

Exit mobile version