Monday, September 15

Shaacintii Nato ee ahayd billaabida howlgal lagu xoojinayo difaaca bari ee Yurub, waxey noqotay mid dhalisay xaalad qatar ah, waxaana maanta in ay dhinbishoodu qaraxdo ku dhaw xiisada ka burqaneysa Bariga Yurub.

Ruushka oo si deg deg ah uga jawaabay shaacinta howlgalka Nato wuxuu durba uu daabulay gantaalladiisa casriga ah ee Iskander, oo awood u leh inay xambaaraan madaxyada nukliyeerka, kuwaas oo uu geeyey Kaliningarad oo ah dhul Ruushka uu leeyahay oo ka go’an dhul weynaha kale ee Ruushka , balse ku yaalla dalqada NATO.

Gantaalka Iskander, ayaa lagu sheegaa inaysan awood u lahayn nidaamka difaaca NATO inay qabtaan, taas oo ah sababta uu halkaasi Ruushku u geeyey.

Ruushku wuxu muujinayaa awood, waana mid aanan ku ekeyn Ukraine oo qura una tallaabay iminka dalalka qeybta ka ah Nato, Diyaradaha Ruushka oo muddo 50 daqiiqo ku dhex duulayay hawada Romania, iyo kuwa galay gudaha Poland masaafo dhan 50 km, ayaanan ahayn qalad farsamo balse waa fariin siyaasadeed oo Moscow u direyso Nato, kuna muujineyso quwadeeda.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in ugu yaraan siddeed diyaaradaha duuliyaha lahayn oo nooca Shahed ah ay ku dhaceen dhulka Poland, isagoo ku tilmaamay arrintaas weerar abaabulan oo aan ahayn qalad.

Ruushka si toos ah ugu hanjabay Poland iyo dalalka Baltiga. Waxaana iminka socda dhoolatusyo ciidan oo ay Belarus ku wehelinayso, kuwaas oo ku saabsan isticmaalka hubka nukliyeerka . Waxaa intaa dheer, Moscow waxay ka soo iibsatay Kuuriyada Waqooyi hub iyo diyaarado aan duuliye lahayn, waxaana la xaqiijiyay in in ka badan laba kun oo konteenar hub ah loo gudbiyay dhulka Ruushka. Ruushku waxaa kaloo uu tirsanayaa in Shiinaha uu taageero siiyo, isagoo aaminsan in reer galbeedku ay maanta ku jiraan xaalad daal istiraatiiji ah oo aanay awoodin dagaal weyn.

Sidoo kale Ciidanka badda Ruushka ayaa tababbar deg deg ah oo loogu diyaar garoobayo jawaabaha weerarrada ka billaabay biyaha Baltic oo ah xaddunta dalalka Yurub, halkaa oo la dhaqaajiyay maraakiib badan iyo diyaaraddo, sida uu baahiyay telefishinka Ruushka ee RT.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Poland , Donald Tusk ayaa ku dhawaaqay in nidaamyada difaaca Poland heegan heerkii u sarreeyay ah la galiyay, isla markaana xulafada NATO ay billaabeen howlgallo ay ku difaacayaan bariga Poland , markii la oggaaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka oo gudaha u soo galeen hawada Poland.

Saacadihii la soo dhaafay Dhawaqa ka diga weerarrada ayaa laga shiday magaalada Swisnik ee bariga Poland , oo ku dhow xadka Ukraine, iyadoo dadweynaha lugu amray inay goobo gabbaad ah galaan, tallaabo lagu sheegay inay muujinayso sida dagaalka Ruushka uu ka wado Ukraine uu ugu talaabay bariga Yurub.

Romania, ayaa iyaduna ku dhawaaqday inay wajahayso halis amni oo ka dhalanaysa dagaalka Ukraine ka socda oo u muuqda inuu dhulkeeda soo galay , iyadoo digniinihii u horreyay loo diray muwaadiniinta ,halka heegan la geliyay hay’adaha ammaanka iyo kuwa adeegga bulshada.

Ciidanka cirka Romania ayaa sidoo kale sheegay inay qabteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka oo soo galay hawadooda, waxaana soo riday labo diyaaradood oo F-16 ah, sida ay werisay CNN.

Sida warbaahinta caalamku ku waramayaan Trump ayaa u sheegay saaxiibbadiisa , inuu ku qaldamay qiyaasta uu ka heystay Putin inuu ka dhaadhicin karo joojinta dagaalka Ukraine ,isagoo yiri ; “ Waa nin aan la qiyaasi karin oo iskudayaya marka aad hor fadhisid inuu kuu tuso wax walba sida aad doonaysid inay u socdaan… laakin taasi dhab ma aha anigana si qaldan ayaan u qiyaasay rabitaanka Putin ee nabadda.”

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ahna la taliyaha amniga, Marco Rubio oo hadal soo saaray , wuxuu yiri : “ Shaki kuma jiro Ruushka inuu si ku talagal ah usoo diray diyaaradaha galaya hawada bariga Yurub… halkaa xaaladdu hadda waa halis.”

Xoghayaha guud ee NATO, Mark Rutte oo shir jaraa’id oo uu qabtay, wuxuu yiri; “Tiknoolajiyada gantaallada ugu dambeysay ee Ruushka waxay awood u leedahay inay gaarto Hague, Madrid iyo Luxembourg. Dhammaanteen waxaan toos uga hoos jirnaa halista Ruushka.”

Hadalkaasi kadib Diyaaradaha dagaalka Faransiiska ee rafiil ayaa billaabay inay ku duulaan hawada bari ee dalka Poland , halkaa oo la sheegay inay gudaha usoo galeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka, iyadoo howlgalka difaac ee ciidanka Faransiiska ay ka wadaan bariga Poland lagu sheegay inuu bilow u yahay howlgalka isbahaysiga NATO ay u bixiyeen Eastern Sentry oo lagu difaacayo dalalka bariga Yurub oo hadda la kulmaya faragelinta Ruushka.

Madaxweynaha Poland , Karol Nawroski ayaa shalay saxiixay qaraar oggolaanaya inay ciidan shisheeye gudaha usoo gali karaan dhulka Poland , kuwaasoo ka socda dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga NATO, tallaabo la sheegay in lagu difaacayo bariga Yurub oo cadaadis kala kulmaya Ruushka.

Waxaa sidoo kale Poland ay shaacisay in 40 kun oo askari oo ka socdo Nato la geyn doono, xuduudda bari ee ay la wadaagto Belarus iyo meelaha u dhow Kaliningrad ee Ruushka, halka ciidamada Nato la geynayo oo uu dhoolatus milatari uga socday Ruushka iyo Beluars, waxaa la kordhiyey tiradii ciidamadii hlkaasi dhoolatuska ku sameynayey oo gaarayey 13kun, kuwaas oo tiradooda la gaarsiiyey 40 kun.

Arrintan ayaa ka dhigan in xaladdu ay xilli walba is baddeli karto maaddaama ay is hor fadhiyaan 80 kun oo ciidamo labada dhinac ka socda ah.

Sida qubaradu aaminsan yihii Ruushku wuxuu noqon karaa kan ugu horreeya ee dhaqaaq sameeya, sababtoo ah Putin, wuxuu horey u yiri : “ Haddii aan laga fursanayn dagaal noqo kan gacantq ku horreeya.”

Putin ayaa seddexdan qodob ka fa’iidaya inuu qaado tallaabada ugu horeysa, Marka koowaa, waa mid doonayaa in xiisadan ay ka dhalato xaalad cabsi laga qabo dagaal ballaaran oo ay NATO ku kala qaybsami karaan, oo qaar ka mid ah dalalkuna ay ka leexdaan taageerada Ukraine. Marka labaad, wuxuu ku khasbayaa xulafada NATO inay kharash badan ku bixiyaan difaac, taas oo dhaqaalaha reer galbeedka ku sii kordhinaysa culays. Marka saddexaad, wuxuu gudaha Ruushka ku dhisayaa sumcad, isagoo isu muujinaya inuu yahay hoggaamiye awood badan.

Si kastaba Dunidda maanta waxay maraysaa xaalad la mid ah 1939, oo ah markii uu qarxay dagaalkii labaad ee dunida waxaana waqtigan Poland iyo Bariga Yurub ay noqdeen khad cas. Putin wuxuu u adeegsanayaa xiisadda sidii hub siyaasadeed, halka reer galbeedkuna ay la tacaalayaan, inay ka jawaabaan, waana kuwo sidoo kale u muuqda in ay ku hugnoobeen garabkii ay ka naawilayeen Mareykanka.

Exit mobile version