Thursday, September 11

(Hortabin Media) – Dowladda Jabuuti ayaa Urur Goboleedka IGAD ugu baaqday in la isugu yimaado shir deg deg ah, kaas oo lagu lafa gurayo, xiisado kulul ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Jabuuti, ayaa madaxda Afrika looga dalbaday in shirkaasi ay ka soo qeyb galaan, waxaana Jabuuti ay cod dheer ku sheegtay in shirkaasi uu leeyahay muhiimad gaar ah.

Shirkan oo dhacay 18-ka bishan January waxaa marti galinaya dalka Ugandha, waxaana Qabsoomida Shirkan iska kaashaday Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhigiisa dalka Ugandha Yoweri Musvaeni.

Shirkan ayaa si gaar ah loogu falanqeyn doonaa habka ugu wanaagsan ee wada hadal loogu dhameyn karo, khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland.

Shirkan oo aan la ogayn inta uu socon doono, ayaa waxaa sidoo kale looga hadli doonaa xaaladda dalka Sudan, oo maalinba maalinta ka danbeysay ka sii dareysa.

Exit mobile version