Monday, September 15

(Hortabin Media) – Jabhada isku aruursatay Buurta Gacan Libaax ee ka soo horjeeda Somaliland ayaa iska diiday in ay wada hadal la furto maamulka Muuse Biixi.

Jabhadan oo la baxday magaca Dulmi Diid, ayaa sheegtay in ay ku qancayaan oo qura in la qabto doorashada uu ka meer meerayo Muuse Biixi ee madaxtinimada.

Arrintaan ayaa abuureysa walaac hor leh oo laga muujinayo xaaladda Somaliland, waxaana jabhadu ay kordhisay weerarada ay ku soo qaadayaan ciidamada Somaliland, iyagoo tiro dhowr ahna dilay.

Wada hadalada la isugu soo dhaweynayo Jabhada iyo Muuse Biixe xukuumadiisa ayaa weli socda, inkastoo sida la filayo ay yar tahay natiijada laga heli karo, ee ku aaddan in ay dhinacyadu is fahmaan.

Ciidamada Somaliland oo ay horey ugu furneyd furin dagaal oo Laascaanood ah, ayaa qaabileysa mid kale oo ka culeys badan tii hore, waana qodobada keenaya in shakiga laga muujiyo jiritaanka maamulkaasi.

Exit mobile version