Thursday, September 11
Waxaa eedeyn arrintaasi ku qotonta xabsiga u jiifa weriye Cali Nuur Salaad, kaas oo ka tirsan bahda saxaafada Soomaaliyeed.

Ninkan oo ay boolisku soo bandhigeen sawirkiisa, waxaa dusha looga tuuray eed la xiriirta faafinta warar been abuur ah!! taas oo ay dowladdu cadeyn rasmi ah u keenin.

Balse waxaa is weydiin mudan, Haddii muwaadiniintu ay aragtidooda saliimka ah xabsi ku mudanayaan, muxuu xalku noqonayaa?

Caqabadaha uu tilmaamay ee uu Cali ku mutay xabsiga waa kuwa jira, oo u baahan in laga feejignaado, sababtoo ah saameynta uu qaadku ku leeyahay ciidamada waa mid ballaaran, oo suura-gelisa in Al Shabaab ay ka fara maroojiyaan saldhigyo amnigooda gacanta ugu jiray ciidanka dowldda. sida uu marar badan ku cel celiyey Madaxweynaha.

Hadii taasi aanu mugdi ka taagneyn halkee ayey wax iska qaban la’ayihiin?

Tan kale muddo intee la eg ayeyse sii socon kartaa caburinta warfidiyeenada madaxa bannaan?

ku takri falka nidaamka dowladnimo, caburinta, cagajugleynta iyo ku tumashada cadliga waxey muwaadiniintu ka dhaxlaan dulmi, kaas oo akhirka isku badalla kacdoon bulsho, oo hadhiino culus reeba.

Mala socotaa Muwaadin in qodobka 33-aad ee dastuurku uu sheegayo in aan qofna la soo xiri karin ilaa maxkamadi ay amarto, mise la socotaa in amarka maxkamada kadib ay qasab tahay in 48-gudaheed qofkaasi lagu soo taago maxkamad, si xukunkiisa uu u dhaqan galo.

Wey kuu muuqata markan, iyadoo la adeegsanayo awood ka baxsan dowladnimada in si weyn loo heereer maray sharciga dalku leeyahay, iyo xuquuda uu muwaadinku leeyahay.

Si kastaba falalkan iyo kuwo u dhigma ayaa xaqiijinaya dhaliilaha sanadihii ugu danbeeyey dul hoganayey nidaamka garsooriyo kan cadaaladeed ee Soomaaliya, waana mid tabashada laga muujinayo aanay jirin cid xalkeeda goobeysa, ilaa intee ayeyse qubaneysaa ilmada shacabka.

Exit mobile version