Thursday, September 11

Itoobiya ayaa weli sii wada in ay difaacdo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay dhawaan la gashay maamulka Somaliland, kaas oo qeylo dhaan xooggan dhaliyey.

La-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo lagu magacaabo Redwan Hussain ayaa sheegay in heshiiskaasi uu u dhacay si habsami leh, isla markaana ay Itoobiya Soo dhaweyneyso.

Redwan Hussain oo wareysi siiyey warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa sheegay, in Somaliland ay tahay maamul go’aan ka gaari kara arrimaha la xiriira dhulka uu gacanta ku hayo.

Wuxuu tusaale u soo qaatay heshiiskii ay kal hore sanadiii 2017 kala saxiixdeen , Shirkadda dekadaha Dubai ee DP World iyo Maamulka Dekadaha Somaliland ee la xiriiray Dekadda Berbera, taas oo uu xusay in aanay jirin cid burisay, isla markaana loo hirgaliyey sida uu ahaa.

Redwan Hussain ayaa niyad jab ka muujiyey hadalada ka soo yeeray Caalamka ee ku hor imaanaya heshiiskan, isla markaana lagu taageerayo go’aanka dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid is-afgaradkii ay dhawaan galeen Itoobiya Iyo Somaliland, kaas oo dhigayey in Itoobiya muddo 50 sano ah laga kireeyo marin-badeed 20 km, halka Somaliland ay ku baddelaneyso aqoonsi dhanka Itoobiya oo qura.

Exit mobile version