Thursday, September 11

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa Hawada Jamhuuriyadda Soomaaliya ka celisay diyaarad ay leedahay Shirkadda Ethiopian Airline oo ku socotay Magaalada hargeysa.

Ujeedka loo celiyey Diyaaradda ayaa ah in aysan haysan wax fasax ah oo ay ku marto hawada dalka.

Dhinaca kale Maamulaha shirkadda Ethiopia Airline Mesfin Tasew oo waraysi siiyey laanta Af-Amxaariga ee idaacadda BBC ayaa xaqiijiyey in dib loo celiyey diyaarad shirkaddaa ka tirsan oo maanta ka soo degi lahayd garoonka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.

Diyaaraddan oo duulimaad number keedu ahaa ET8372 ayuu Maamulaha sheegay in aanay ogolaanshi ka haysan dawladda Soomaaliya, taas oo keentay in ay dib ugu laabto magaalada caasimadda ah ee Addis ababa.

Somaliland dhankeeda ayaanan weli war ka soo saarin xaalka diyaaraddan dib loo celiyey, xilli dhawaan uu heshiis muran dhaliyey dhex maray Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Si kastaba Wafdigii saarna diyaaradii la celiyay waxay soo raceen diyaarad shacab ah waxayna si dhuumasho ah ku tageen hargaysa.

Exit mobile version