Thursday, September 11

Dowladda Itoobiya ayaa war ka soo saartay is hortaagii dhawaan lagu sameeyey Madaxweynaha dowladda Fedraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo loo diiday inuu galo xaruntii uu ka socday Shir madaxeedka 37-aad ee Midawga Afrika.

Itoobiya ayaa canaan kulul kala kulantay Midawga Afrika, halkaas oo uu Madaxweynaha Soomaaliya ka sheegay caqabada ka qabsatay ka qeyb galka kulanka midawga Afrika, iyo hab-dhaqankii liitay ee ay kula macaamileen saraakiishii Itoobiyaanka ahayd ee sugeysay amniga xarunta uu shirku ka socday.

Itoobiya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka dhaga adeegtay raacida sharuucda amni ee ka qeyb galka shirka, waxeyna xustay in iyada ay lahayd sugida amniga Madaxweynayaasha, taas oo uu diiday inuu u hoggaansanaado Madaxweynaha Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xukuumadda Addis.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay, in ciidamadii uu watay Madaxweyne Xasan Sheekh ay isku dayeen in ay hubkooda la galaan gudaha xarunta Midawga Afrika, taas oo ay ku sifeeyeen arrinta keentay is faham waaga dhacay.

Itoobiya ayaa geesta kale ka dhawaajisay, In si diiran oo leh maqaam masuul loo soo dhaweeyey Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana qoraalkeeda ay ku xustay in ay dooneyso in ay xiriir wanaagsan la yeelato dowladaha ay jaarka yihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa kal hore tallaabada Madaxweynaha lagu hor joogsaday ku tilmaantay mid dhaawacday ama jabisay hab-maamuuska diblomaasiyadeed iyo kan caalamiga ah, waxeyna ku macneysay mid qeyb ka ah falalkii guracnaa ee ay Itoobiya kula kaceysay mudooyinkii ugu danbeeyey Soomaaliya.

Exit mobile version