Ciidamada Itoobiya iyo Ereteriya ayaa maanta weerar wadajir ah oo “balaaran” ah ku qaaday Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ee gobolka Waqooyi ee Tigray, sida uu sheegay afhayeen u hadlay TPLF.
Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ciidamadoodu ay difaacayaan fariisimaha ay ku sugan yihiin, wuxuuna sheegay in meelaha qaar ay ka dhaceen duqeymo culus. Sheegashadan ayaan si madax banaan loo xaqiijin karin iyadoo ay ugu wacan tahay isgaarsiinta gobolka oo hawada ka maqan.
“Cadawga oo markii hore cudud ciidan oo aad u tiro badan u raray Eritrea, ayaa hadda bilaabay olole ay si wadajir ah isaga kaashanayaan ciidamada shisheeye ee Eritrea si ay u xasuuqaan shacabka Tigrayga,” ayaa lagu yidhi bayaan uu soo saaray taliska ciidamada jabhadda.
Labada dawladood ee Itoobiya iyo Ereteriya midkoodna si degdeg ah ugama jawaabin codsiyo ay wakaaladaha wararka ka dalbadeen.
Axmed Dhaqane, Nairobi