Friday, September 12

Israel muddo dheer xiriir dimlomaasi oo rasmi ah lama lahayn Soomaaliya oo ah dal Islaam ah, balse hadda waa kuwo isku dayaya in ay xiriirkaasi dhidibada u qotomiyaan.

Sida sarkaal sare oo Israel ah oo u sheegay Warbaahinta Axios ee dalka Mareykanka, Soomaaliya iyo Comoros oo ah labo dal oo Islaam ah ayaa ogolaaday in ay saraakiil sare oo kor-joogto ah u diraan shirka heer wasiir ee Madasha Negev.

Madasha Negev, oo la aas aasay March 2022, waxaana qeyb ka ah oo ku jira dalalka Mareykanka, Israel, Masar, Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Morocco.

Saraakiisha Israel ee la hadlay Axios, ayaa sheegay in saraakiil ka socota Soomaaliya iyo Comoros ay wada hadalo hoose oo qarsoodi ah ay muddo labo sano ah la lahaayeen Israel, waxaana qaarkood ay booqdeen  la yeesheen Israel Tel Aviv.

Soomaaliya ayaa la qorsheynayey in ay ka qeyb gasho kulanka labaad ee Negev, kaas oo la filayey inuu dhaco bishii March ee aynu ka soo gudbnay, balse u baaqday arrimo la xiriira walaaca ay dalalka carabta ka muujiyeen la macaamilka Israel.

Wasiirka arrimaha dibadda Israel Eli Cohen ayaa rjao wanaagsan ka muujiyey in mustaqbalka labadan dal ay la yeeshaan xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah.

Madasha Negev ayuu qorshaha dhidibada loogu taagay waxaa ka mid ah in ay dalalka gobolka yeeshaan iskaashi ku qotoma arrimaha caafimaadka, dhaqaalaha, isbeddelka cimillada, biyaha iyo amniga.

Exit mobile version