Friday, September 12

Israa’iil ayaa baahisay xogta 602 ruux oo ay dhaafsaneyso 6 Maxbuus oo dhinaca Gacanta Xamaas ku jiray tan iyo bishii Oktoobar sanadkii 2023 kaddib markii is faham laga gaaray heshiiska maxaabiis is dhaafsiga ah ee labada dhinac.

50 kamid ah Dadka maanta lasii daayay waxa ay ku xukunnaayeen Xabsi daa’in maadaama lagu eedeeyay in ay dileen ugu yaraa 27 ruux oo Yuhuud ah kaddib weerarro kala duwan oo ay ka fuliyeen dhulka Israa’iil xoogga ku heysato.

Liiska Maxaabiista Yuhuudda ah ee Xamaas sii deyneyso ayaa loo gudbiyay dhinaca Xukuumadda Netanyahu halka qudhoda loo gacan geliyay Magacyada la heystaashaa loo sii daayay sida qorshuhu ahaa.

Hay’adda Laanqayrta Cas ee u xilsaaran kala wareejinta Maxaabiista labada dhinac ayaa soo jeedisay in la ilaaliyo nidaamka loo dejiyay is dhaafsiga xubnaha u kala xiran Xamaas iyo Israa’iil ee horay u kala qabsaday Dadka.

Exit mobile version