Israa’iil ayaa si qarsoodi ah oo bilaa sharci ah uga faa’iidaysatay rabshadihii Maraykanka uu ka dhex abuuray Dalka Venezuela iyada oo kasoo raratay Shidaal Cayriin ah sida ay baahisay Shabakadda Bloomberg oo xogtaan bannaanka soo dhigtay.
Maraakiib Shidaal oo Israa’iil ay leedahay ayaa tagay Xeebaha Dalka Venezuela maadaama Madxweynaha Maraykanka Donald Trump tallaabadii uu kusoo afduubtay Madxweynihii dalkaas ee Nicolas Madura uu dayac baahsan horseeday.
Warbixinta shabakadda ayaa lagu sheegay in ay jiraan Dalal badan oo dhoofsanaya Shidaalka Cayriinka ah ee markii hore sababta u ahaa in Washington ay damacdo dhiggeeda Caracas, waxaa Israa’iil wehliya Dalalka Maraykanka, Spain & India.
Xukuumadda Benjamin Netanyahu ayaa la sheegay in ay daaha gadaashiis ay ka maamulaysay howlgalkii Maraykanka uu ku beegsaday Madaxtooyada Venezuela kuna soo qabtay Madaxweynihii Dalkaas iyo Marwadiisa.

