Milatariga Israel ayaa sheegay in ay dileen taliye ka tirsan Xizbullah oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan, iyagoo sidoo kale ku dhawaaqay wareeg cusub oo ah amarro ay ku bixisay in laga baxo Dooxada Bekaa.
Dhinaca kale, dowladda Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 16 qof Arbacadii lagu dilay duqeymo cirka ah oo Israel ay ka fulisay magaalada Nabatieh
Sidoo kale Saraakiisha Lubnaan ayaa sheegay in ugu yaraan 27 qof lagu dilay duqeyn cirka oo ay ciidamada Israel ku garaaceen deegaanno ku yaalla koofurta Lubnaan 24-ki saac ee lasoo dhaafay.
Magaalo ku taalla dhinaca koofureed, dadka la dilay ayaa la xaqiijiyay in uu ku jiray duqii magaalada, xilli ay wadeen howlo gurmad dhanka bani’aadannimada ah.
Duqeynta lagu dilay meeyarka magaalada Nabatiyah ayaa ah tii ugu horreysay oo ay ciidanada Israel ku bartilmaameedsadaan xarumaha dowladda Lubnan, tan iyo marki ay billowday olalaha duqeymaha cirka iyo dagaalka dhulka ah ee Lubnaan bishi hore.