Sida ay warbaahintu tabineyso waxaa xaalad aad u adag wajahaya bukaano fara badan oo ku jira Isbitalka weyn ee magaalada Gaza, kuwaas oo khasaare xooggan uu ka soo gaaray duqeymihii ay Isra’iil ku xasuuqday Falastiiniiyiinta.
Sida ay dhaqaatiirtu sheegayaan dadkan oo aanan heysan wax koronto ah, ayaa wajahaya maalmo aad u adag, sababo la xiriira xasuuqa culus ee ay Israa’iil ka geysaneyso Gaza.
Dr Ahmed El Mokhallalati oo dhakhtar qalliin oo ka tirsan isbitalk weyn ee Gaza ayaa sheegay in Israa’iil ay duqeysay taangiyadii (biyaha), ceelashii biyaha, sidoo kale waxay duqeeyeen matoorka Ogsajiinta, taas oo wal wal ku abuurtay bukaanada isbitalka ku jira.
Maamulka Isbitalka ayaa sheegay in 32 bukaan ay dhinteen saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay, oo ay ku jiraan saddex carruur ah oo dhawaan dhashay.
Dhaqaatiirta ayaa sheegay in Isbitalka ay ku jiraan 650 bukaan, kuwaas oo daneynaya in la gaarsiiyo goob amaan ah, waxeyna rajo ka qabaan Laanqeyrta Cas ama hay’ad kale oo dhexdhexaad ah ay u daadgureyso xarun kale oo caafimaad, si ay u badbadaan.
Maamulka Isbitalka weyn ee Gaza ayaa xaqiijiyey in gadiidka dagaalka Israa’iil uu hortaagan yahay Isbitalka, waana arrinta sii kordhineysa walaaca la soo darsay bukaanada iyo dhaqaatiirtaba.
Israa’iil oo xasuuq ba’an ku heysa dadka Falastiiniyiinta ayaa ku andacooneysa in Isbitalka uu gabaad u yahay kooxda Xamaas, taas oo ay been iyo marin habaabin ay ku baneysanayaan dhiigga dadka Falastiiniyiinta ah.